Hadaan is cadeeyo midabkayga seen kusoo celiyaa

Su’aasha:

Asc wll ugu horayn waan ku salaamay waxaan ahay gabar waan is cadeeyay wllow markaan is cadeeyay waana nacay oo waan iska daayay wllo aniga dhan kala jaan aay noqday maxaa sameeyaa sidee jirkayga hore kusoo celiyaa.

Hadaan is cadeeyo midabkayga seen kusoo celiyaa
Hadaan is cadeeyo midabkayga seen kusoo celiyaa

Jawaabta:

Daawada laysku cadeeyo dhibaatooyin badan ayay maqaaka gaarsiisaa, marka waad ku saxsan tahay joojinta aad iska joojisay.

Waxaad u baahan tahay inaad ka nadiifiso dhibaatada ay u keentay daawada jirkaaga, waxaa ugu fiican wax lagu nadiifiyo maqaarka jirka wax dabiici ah oo aan kiimika ahayn, dhowr waxyaabo ayaa jira waxaa ka mid ah:
Cusbo inaad ku qasto biyo habeen kaste marka aad seexanayso jirka mari maalin kaste, waxay ka nadiifisaa wixii soo gaaray jirka.
Sidoo kale khal ayaa loo adeegsan karaa booska milixda ama tufaax la shiiday, waxaa kaloo jirka la marin karaa caanaha garoorka oo malab lagu daray, sidoo kale moos iyo malab laysku shiiday iyagana waa lagu nadiifin karaa jirka, haddaad mid ka mid ah samayso muddo kaddib midabkaaga wuu isla sinnaanayaa, waana wax dabiici ah oo aan dhib kuu keenayanin, sidoo kale midabkana wuu furaa.

Saliid macsarada timaha haweenka maxay u tartaa

Bleaching medicine causes many problems in the body, so you are right to stop taking it.
You need to cleanse your body of the problems caused by the medicine, the best way to cleanse your skin is with natural, non-chemical products, there are several things, including:
Mix salt with water every night when you go to bed and apply it to your body every day, it cleanses the body of what has been damaged.
Vinegar can also be used in place of salt or mashed apples, you can also apply milk with honey to your body, and mashed bananas and honey can also be used to cleanse your body, if you do one of these, your skin will become even after a while, it is natural and will not cause you any harm, and it also lightens the skin.

Leave a Reply