Gabar dhillo ah mala guursan karaa

Su’aasha:

Waxaan maqlay dad dhahaayo gabadha hadey zaaniyad tahay lama guursan karo arintaas maxaa ka jira wll.

Gabar dhillo ah mala guursan karaa
Gabar dhillo ah mala guursan karaa

Jawaabta:

Haddii naagta ay tahay dhilo cad oo sinaysanayso in la guursado lama oggola  daliil u ah oraahda Alle (S):

 

(الزَّانِي لَا يَنكِحُ إِلَّا زَانِيَةً أَوْ مُشْرِكَةً وَالزَّانِيَةُ لَا يَنكِحُهَا إِلَّا زَانٍ أَوْ مُشْرِكٌ ۚ وَحُرِّمَ ذَٰلِكَ عَلَى الْمُؤْمِنِينَ)

(Zaani ma Guursado waxaan Zaaniyad ahayn, ama Gaal, Zaaniyadna ma Guursato waxaan Zaani ahayn ama Gaal, waana laga Reebay Arrintaas Mu’miniinta).

Teeda kale naagta markay saaniyad tahay nin kaste ayaa biya kushubta marka sidee loogu oggolaanayaa qof nadiif ah inuu naagtaas guursado, laakin haddii ay towbad keento oo ay toos uga joogsato falka dhilaysiga markaas way ka baxday sifada saaniyad marka waa la guursan karaa.

Inkastoo ay jiraan culimo tafsiir kale ku fasiray aayadda oo yiri ereyga nikaaxa waxaa laga wadaa galmo ee lagama wado guur. markaas macanaha ayaadda wuxuu noqonayaa

(Zaani kama sinaysto waxan ahayn saaniyad, saaniyadna kama sinaysato waxan ahayn saani taasna – oo sinada ah – waxaa laga xarrimay dadka mu’miniinta)

Laakin waxaa xoog badan dadka yiri: aayadda waxay reebaysaa naagta dhilada in la guursado.

raadraac

If the woman is a clear prostitute and commits adultery, she is not allowed to marry her.
On the other hand, when a woman is a prostitute, every man is allowed to have water, so how can a clean person be allowed to marry that woman, but if she repents and immediately stops the act of prostitution, then she has ceased to be a prostitute, so she can be married.
Although there are scholars who have interpreted the verse differently and said that the word marriage refers to sexual intercourse, not marriage. Then the meaning of the verse becomes
But there are many people who say: the verse prohibits a prostitute from marrying.

Leave a Reply