Finka dabada iyo baabasiirka farqiga u dhexeeya iyo daawada ugu fiican

Su’aasha:

SCW bahda daruur waxan rabaa inan idin weydiyo finka dabada afkeeda kasoo baxo oo xanuunka badan baabasiir inuu yahay sidee lagu ogaan karaa marka qofka uu saxaroonaya dhiig ayuu soo dayaa baabasiirta dhiig miyay leedahay finka haduu meesha kasoo baxo maxaa daawo u ah?

Finka dabada iyo baabasiirka farqiga u dhexeeya iyo daawada ugu fiican
Finka dabada iyo baabasiirka farqiga u dhexeeya iyo daawada ugu fiican

Jawaabta:

Finka wareega dabada kasoo baxo hadduu yahay fin weyn oo marka la riixo xanuun ah waa baabasiir bilow ah, haddii uu yahay fin caadi ah oo si kale ku yimid sidaas ma noqdo, mararka qaar waa laga yaabaa in fin uu kasoo baxo dabada taasna waxaa keeni kara kulaylka iyo kastuumada aan layska badalin meesha waxay baahan tahay nadaafad xoog leh.

Adiga hadda waxaad ku dadaashaa calooshaada inay socoto haddii aad xanuun dareemayso marka aad saxaroonayso waxaad adeegsan kartaa bamaato loogu talagay xaaladdaada oo kale waxaa lagu magaacaa  Anusol iyo mid kale lagu magacaabo Faktu waana kuwa ugu fiican way jiraan kuwo kale badan oo kala nooc ah, waxaad marinaysaa marka  wareega futada.

Sidoo kale isku day inaad cunto raahsin caloosha jilciya si aysan kugu adkaanin saxarada, maxaayeelay bawaasiirka wuxuu u daran yahay dadka calooshooda aan bixin, si daran ayuu usoo weynaanayaa marka qofka saxarada ay ku adkaato, waliba dhiig ayuu keenayaa.

Waxaa kaloo jiro wax aan ahayn bawaasiir sidoo kale aan fin ahayn ama nabar laakin waxaa la dhahaa dilaaca futada kaas wuxuu ka dhashaa marka qofka uu ku adkaado xaarka ama dabada wax aan loogu talagalin iska galiyo dilaac ayaa ka dhasha oo xanuun iyo balbal badan leh, isagana bomaatooyinka aan soo sheegay way u roon tahay.

Daawada baabasiirka ugu fiican iyo noocyada uu yahay bawaasirka

If the pimple that comes out of the anus is large and painful when pressed, it is an early hemorrhoid. If it is a normal pimple that came out in another way, it is not like that. Sometimes, a pimple may come out of the anus. This can be caused by heat and clothes that have not been changed. The area needs strong hygiene.

Now, you try to keep your bowels moving. If you feel pain when you defecate, you can use a laxative designed for your condition. It is called Anusol and another called Faktu. They are the best. There are many other types. You apply it when you pass stool.

Also, try to eat foods that soften the stool so that it does not become difficult for you to pass stool. This is because hemorrhoids are more severe in people whose stomachs are not empty. They become more severe when a person has a hard stool. They also cause blood.

There is also something that is not a hemorrhoid, nor a pimple or a wound, but is called an anal fissure. This occurs when a person has difficulty passing stool or inserts something into their anus that is not intended for it, causing a fissure that is very painful and uncomfortable. The ointments I mentioned are good for this.

Waxtarka liin dhanaanta

Leave a Reply