Dareenkaygii Dabiiciga Ahaa Gabi Ahaanba Waan Waayay Kacsi ma dareemo

Su’aasha:

Dareenkaygii Dabiiciga Ahaa Gabi Ahaanba Waan Waayay Kacsi Waxaa iigu Dambaysay Markaan Aafada Joojiyay Aafada Ka Hore iyo Intaan Aafada ku Dhex Jirayba Caadi Ayaan Ahaa Oo Dareenkaygu Wuu Fiicnaa Lakin Markaa Aafadii Joojiyay Dareenkaygii Waan Waayay Talo Izii Dr

Dareenkaygii Dabiiciga Ahaa Gabi Ahaanba Waan Waayay Kacsi ma dareemo
Dareenkaygii Dabiiciga Ahaa Gabi Ahaanba Waan Waayay Kacsi ma dareemo

Jawaabta:

Waxaad leedahay aafada intaan joojiyay, haddaadan naag qabin oo dareen aad yeelato sow lagama yaabo inaad ku noqoto siigada, dareenkaaga waxaa laga yaabaa inaad u waysay fikir iyo shallay, naftaada dagaal ayay ku jirtaa waxaad ka fikiraysaa siigada sida aad u joojin lahayd taas waxay keenaysaa dagaal nafsi inaad naftaada la gasho, taasoo saamaynaysa dareenkaaga kacsiga, ee ma aha inaad dareen gabi ahaanba waysay, marka haka walwalin niyaddaada ka saar siigadana iska jooji waa fursad haddii aadan wax dareemaynin waxaa laga yaabaa inay khayr kuu tahay marka aad joojiso jirkaaga iyo niyaddaad sidii hore ayay ku soo noqon doonaan, isku mashquuli wax fiican oo wanaag kuu keenaya oo caafimaadkaaga wax u taraya, salaadda ku dadaal weysada ilaali.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More