Dadka hada joogo aakhiro maxay uga cabsan la’ yihiin

Su’aasha:

Qufkasto waxa uu jecel yahay in uu hormar gaaro
lkn ma ii sheegi kartaa sababta qufkasto ee dunidaan ku nool u door bidey nolol wanaagsan inuu ku noolaado aakhirane la ilaawo taasina waxa ay dhacdey qarniyada dambe qarnigii Nabi Muxamed SCW dadka aduunka ma aysan jecleen oo aakhiro ayeey ka baqanayeen dadka hada joogo aakhiro maxey uga cabsan la yihiin.

Dadka hada joogo aakhiro maxay uga cabsan la' yihiin
Dadka hada joogo aakhiro maxay uga cabsan la’ yihiin

Jawaabta:

Waxaan shaki ku jirin waqtiga nabi Muxamed uu joogay inuu ahaa waqtiga ugu fiican nolosha adduunka waxaa ku xigaya labada qarno ka dambeeyay taasna nabiga (SCW) ayaa xadiis ku caddeeyay:

(خَيْرُ النَّاسِ قَرْنِي، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ الَّذِينَ يَلُونَهُمْ، ثُمَّ يَجِيءُ مِن بَعْدِهِمْ قَوْمٌ تَسْبِقُ شَهادَتُهُمْ أيْمانَهُمْ، وأَيْمانُهُمْ شَهادَتَهُمْ).

(Dadka waxaa ugu khayr badan qarnigayga kaddib kuwa ku xiga, kaddib kuwa kusii xiga, kaddib waxaa imaanaya gadaashooda dad shahaadadooda ay , shahaadadooda ay dhaartooda ka horrayso dhaartoodana ay shahaadadooda ka horrayso) Bukhaari ayaa wariyay.

Nabiga (SCW) wuu sheegay marka ay qiyaamada soo dhowaato wax badan inay isbaddalayaan dadkana ay diinta ka fogaanayaan, wuxuu yiri:

(يَأْتي علَى النَّاسِ زَمانٌ لا يُبالِي المَرْءُ ما أخَذَ منه؛ أمِنَ الحَلالِ أمْ مِنَ الحَرامِ).

(dadka waxaa ku imaan doono waqti qofka uusan u aabbayeelin waxa uu qaadanayo  xalaal miyaa msie waa xaaraan).  Bukhaari ayaa wariyay.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More