Site icon Daruur درور

Xadiiska loo daliilsaday dalaaqa bidciga inuusan dhicin

Su’aasha:

daliilsadeen xadiiiska oranaya:
(من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو رد)
(qofkii sameeyo camal oo aan arrinkeena ku salaysnayn waa la celinayaa)
Waxay dhaheen: dalaaqa bidciga waa camal diinta khilaafsan marka waa inuusan dhicin dalaaqaas.

Xageen ka Heli karnaa
Kuwa saan dhahayo
Wadadka webset ama telfon
Laga helo
Aniga wadadka I leh
Dalaaqa bidciga igama dhicin:
O ileh sidaan
(من عمل عملاً ليس عليه أمرنا فهو

Xadiiska loo daliilsaday dalaaqa bidciga inuusan dhicin
Xadiiska loo daliilsaday dalaaqa bidciga inuusan dhicin

Jawaabta:

Haddaad rabto xadiiskaas qaabka loo daliilsaday waxaad booqan kartaa labo web site oo qaabilsan fatwada oo laga leeyahay Sacuudiga iyo Qatar mid waxaa ku jira fatwooyinka muftiga sacuudiga hore sheekh Cabdul caziiz bin Baaz midka kalana waxaa la dhahaa Islam online.

Webka kowwaad

Webka labaad

laakin waxaan kuu sheegaa arrinkaada waxaa xallin kara culimo aad si toos ugu tagto oo xalaakaaga si fiican aad ugu caddeyso markaas fatwada ay ku siyaan aad qaadato.

Maxaayeelay fatwada iyo mas’alada labo ayay kala yihiin annaga meeshaan qofka jawaab ayaan siinaynaa waxaan u caddeynaynaa mas’alada uu soo weydiiyay culimada waxa ay ka qabaan iyo qaababka loo daliilsaday daliilyada, laakin marka aad u tagto caalim fatwa bixinaya wuxuu eegayaa xaalkaaga markaas ayuu fatwada kuu shegayaa.

Exit mobile version