Site icon Daruur درور

Xaaskayga ma ii siigeyn kartaa

Su’aasha:

Walalyal waxan raba inaan su’aal idin weydiiyo oo ah xaaskayga ma ii siigeyn kartaa ma xaaran mise waa xalaal, taasoo aan ka wado gacanta xaaskayga hadaan ku biya baxo ma siigo baa mise waa raaxo istiin xalaal ah.

Xaaskayga ma ii siigeyn kartaa
Xaaskayga ma ii siigeyn kartaa

Jawaabta:

Culimada oo dhan way isku waafaqsan yihiin xaaskaaga inay gacanteeda kugu raaxayn karto,

siigada culimada ay xaaraanta u arkaan waa midda ninka iskiisa biyaha isaga keenayo asoo adeegsanaya gacan ama wax kale oo aan xalaal u ahayn, laakin ninka hadduu xaaskiisa ay gacanta biyaha uga keento siigada maba lagu tilmaami karo, waa raaxo banaan.

Culimada siigada xaaraanta u arkay waxaa ka mid ah Imaam Shaafici wuxuuna daliilsaday aayaddan:

{وَالَّذِينَ هُمْ لِفُرُوجِهِمْ حَافِظُونَ * إِلَّا عَلَى أَزْوَاجِهِمْ أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُهُمْ فَإِنَّهُمْ غَيْرُ مَلُومِينَ}

(Oo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya * Haweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagumana Dagaalo Taas)

Marka waad u jeeddaa aayadda inay ninka u bannaysay naagtiisa iyo addoonta jihaadka laga helay  inuu ku raaxaysan karo iyadana ay ugu raaxayn karto qaabka ay rabaan, xataa gacantteda ayay ugu raaxayn kartaa.

Exit mobile version