Site icon Daruur درور

Waxan ku riyooday walashey iga yar oo guur qasab ah galeyso

Su’aasha:

Asc waad mahadsantihiin dhaman webka duruur jazakaallh

Waxan ku riyooday walashey iga yar oo guur qasab ah galeyso aad ayeena uga xumeed wey ooynesay ane waxan isku dayay inaan caawiyo si ey oga badbaado guurkan aney rabin anoo waxan sameyo garan la intas kidib waxa iso wacay aabahey asoo idhahayo gabadhas amaan sii wuxuune rabay inan ka fogado dood ani io abahey waxana ku dhahay aabo damiir leh hada tahay gabadhada ka daa dhibka.
Maxa lagu fasiri Kara.

Waxan ku riyooday walashey iga yar oo guur qasab ah galeyso
Waxan ku riyooday walashey iga yar oo guur qasab ah galeyso

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa gabadha walaashaada in nolol cusub ay gali doonto waxayna rabtaa inay ku sugnaato xaaladeeda hore, guurka aad aragtay wuxuu noqon karaa nolosha guud ay ku sugan tahay guur ama deegaan ama shaqo iwm. marka walaashaada waxay ka cararaysaa xilka dusha ka saaran, riyada waxaa laga fahmayaa mashaakilka dhex mari doono iyada iyo qaraabada ama qoyska gaar ahaan aaabaheeda.

Exit mobile version