Site icon Daruur درور

Waxaan Ku riyooday waysaqaad iyo nin camoole ah

Su’aasha:

Waxaa Ila so day wiil yar waxan arkay anoo waysa qaadanayo waxan dhamesanay weesa qaadkii kadibna waxaan arkay nin Camoole ah oo aan garanaayo asna aan yimid weesa qaadkii ninkas ma ahan Somali waxan Ku leyhay lacag oo uu IGA qabo ayaa jirto ugu Yara 600 solar in mudo ah niyadaydana wan u daayay lacagtas kadibna ma an Rabin inan la hadlo ushii ayuu Ku radinaayay waysa qad kii ana cunugi Yara ayan la booday si aysan USHA ugu dhicin Wana nin Iska ladan magalada an joogo IGA taqan an Ku dhalan camoolenimada we hada in mudo ah Camile marka isma an maqashin cunugina wan Ka so bootiyay kadibna howshi ayuu Iska watay kadib habenki kale waxan arkay riyo kale oo ah inan salamay balsa u garanaayo gacantayda kadibna an amusay ano kasii cararayo ano Iska faraxsan oo walibo duulaayo xoga ninkas Hadi annku shego xaladooda aniga waxu Ila yahay nin halis ah dadka war ba I dhaha waa nabad qaba insha ma la,a dadka war waxbey Ku shegan balsa aniga waxan u runeyay inu Camile yahay madams an ad ushekesanay in badan caawiyay na balsa waa nin waxu Raba samya malinti xigtay ayu I yimid asago leh waxan Ku jeclahay Allah dartiis waxana helaya goor dhow lacag 700,000 ee wadanka an jogo oo ay u siinayso dowlada cunug u dhalay ee hada Ka hor shil Ka galay aniga waxan isleyahay ninkan Iska da iyo lahadalkisa iyo arimahisa balsa kadib riyoyinka iyo imashahisa Ayan arkay BAL arinkan wax Ka dheh aniga hada waxba kama rabo ninkas balsa xirirka an la leyahay iyo isku badnashahena Ayan Yara dhibsanaya madams an ahay qof mashqulsan an Rabin inan markasto la kulmo qof kan.

Waxaan Ku riyooday waysaqaad iyo nin camoole ah
Waxaan Ku riyooday waysaqaad iyo nin camoole ah

Jawaabta:

Riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa arrimo laga yaabo inaysan fiicnayn, lacag shaki ku jiro inay xaraan tahay oo aan caddeyn meesha ay ka timid, ama ganacsi shubho ku jirto, ninka indhoolaha wuxuu astaan u yahay wareer iyo baadinimo weysadana waxay astaan u tahay in laga towbad keeno dambiga oo layska dahiriyo.
Marka riyada qaabka ay tahay marka laysku daro waxay tilmaamaysaa in lagaaga digayo arrin laga yaabo inay xaaraan tahay ama shaki ku jiro, waxaa laga yaabaa riyada gubashada geedka iyo tan inay hal macne tilmaamayaan.

Exit mobile version