Waxaan ku riyooday gabar aan haasaawe wadaagno oo mataano ii dhashay
Su'aalaha
Su’aasha:
Asc walal waxaan ahay ruux riyooday kuna riyooday gabar aan haasaawe wadaagno ayadoo 2mataano ah idhalayso mid aw yahay wiiil midka kalena ay tahay gabar markiii aan caruuurta habsiiyay ayaan indhaha kala qaaday
Alaha kubarakeeyo walal intii aqoontaada ah waxan jeclaan lahaa ina ifasirto
Waxaana ku noolahay dalka south Africa website kaaga waxaan ka heley sxbkaa fuad sout Africa kala soo xiriiro.
Jawaabta:
WS walaal kusoo dhowoow webka Daruur, Fuad waa saaxiib qaali igu ah oo muddo badan aan wada xiriiraynay.
Mataanaha waxaa lagu fasiraa ribix iyo xoolo badan waxaa kaloo lagu fasiraa meel sare in laga gaaro aqoonta ama shaqada, guud ahaan riyada dhalmada mataanaha waa riyo barako wadata oo khayr badan tilmaamaysa ubadka waa arsaaq Alle bixiyo mataanahana dad kaste ma helaan.
Gabadha waxay tilmaamaysaa aduunyada, dumarka guud ahaan waa aduunyo siiba marka wax fiican lagala kulmo riyada dhexdeeda, waxayna noqon kartaa gabadha mustaqbalkaaga oo ay la socoto barwaaqo.