Site icon Daruur درور

Walaasha may ku dhoofin kartaa qaab ah inaad isqabtaan

Su’aasha:

walaal waxan gabar walaashey inaay iqaado diinta maxay ka qabta isma guursaneyno lkn kaliya waan kubaxaya

Walaasha may ku dhoofin kartaa qaab ah inaad isqabtaan
Walaasha may ku dhoofin kartaa qaab ah inaad isqabtaan

Jawaabta:

Waa xaaraan beenta guud ahaan, wayba kasii daran tahay beenta noocaas ah, haddaad rabto in noloshaada aad hesho wanaag aakhirana aad ka badbaaddo cadaab iska ilaali walaashaada inaad been ahaan u guursato adoo raba inaad adduun ku hesho, wixii kuu qoran ma waynaysid ee si wanaagsan ku raadi.

Dad badan ayaa arrintaas ku dhacday soomaalida badankooda way fududeystaan, dad badan ayaa maanta ka shallaynaya falkaas ay sameeyeen, marka ka fogow xumaantaas.

Exit mobile version