Naag ku riyootay iyadoo naag kale dhagta ka qaniintay

Su’aasha: Riyo naag kuriyotay ayado ladagashay naago badan ee mid kamida qanintay e dhag ka goysay nagihi soweraray ayeey dhag ka goysay weyna carartay cabsi darte. Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa buuq inay gali doonto naagtaas, sidoo kale dad cadow ayay yeelanaysaa oo ay ka joojin doonto hadalkeeda, cadaawad ayaa dhex marayso sida riyada laga fahmayo.
Riyada qofka oo dhagta ka go’ayso

Su’aasha: scw maxaa lagu fasiraa qofka haduu ku riyooda asoo hal dhag laga gooay? Jawaabta: Dhagta waxay astaan u tahay nasteexo qofkii ku riyoodo asoo dhegta laga gooyay wuxuu waaynayaa wax u nasteexeeyo, waxaa kaloo lagu fasiraa gooynta dhegta furiin, qofkii dhegta laga gooyo waxaa laga yaabaa inuu xaaskiisa furo. Gabar riyo ku aragtay […]
