Aadaanka Fajarka mala saxuuran karaa walaal?

Aadaanka Fajarka mala saxuuran karaa walaal? Su’aasha: Aadaanka Fajarka inta aan salaada la galin qofka haduu saxuurto Soonkiisa maka burayaa mideeda kale qofku goormuu saxuuran karaa oo ugu wanaagsan. Jawaabta: Labo aadaan ayuu leeyahay fajarka midka koowaad ma reebo saxuur laakin kan labaad ayaa cuntada reeba, wuxuu yiri rasuulka (SCW): (إنَّ بلَالًا يُؤَذِّنُ بلَيْلٍ، […]
Soonka caafimaadka iyo ajirka laga helo

Soonka caafimaadka iyo ajirka laga helo Ilaahay umadda muslinka wuxuu ku mannaystay bisha soon, runtii waa bil aad u barakaysan oo laga helayo ajir badan iyo sawaab aan lasoo koobi karin sida axaadiista rasuulka (SCW) badankooda ay sheegeen. Soonka wuxuu leeyahay waxyaabo aysan lahayn cibaadaadka kale, marka qofka islaamka haysta waxaa laga rabaa inuu ku […]
Soonka tobanka Muxarram ajarka laga helo

Soonka tobanka Muxarram ajarka laga helo Soonka sunada guud ahaan waa camal aad u wanaagsan waana la soomi karaa waqti kaste maalmaha la reebay mooyee, wuxuuna aad u waangasan yahay maalmaha diinta ay sheegtay inuu fadli badan yahay, waxaa ka mid ah bilaha xurmaysan, bisha Rajab iyo muxaram iyo dulqicda iyo dulxija. Bisha Muaxarram waa […]
Fadliga soonka uu leeyahay iyo ceddeynta xadiiska من صام رمضان

Fadliga soonka uu leeyahay iyo ceddeynta xadiiska من صام رمضان Soonka wuxuu ka mid yahay camalka niyadda laga qabto, qofka marka uu sooman yahay lama ogaan karo inuu si dhab u sooman yahay, kaliya waxaa daalacanaya Allaha abuuray, maxaayeelay qofka asoon loo jeedin ayuu cunto cuni karaa ama wuxuu cabbi karaa biyo, laakin qofka marka […]
Tafsiirka aayadda Soonka lagu waajibiyay

Tafsiirka aayadda Soonka lagu waajibiyay Soonka wuxuu ka mid yahay tiirarka islaamka shanta ah Alle wuxuu ku waajibiyaya umadda islaamka siduu ugu waajibiyay umadaha kale naga horreeyay Allw wuxuu leeyahay: {يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِنْ قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ} (Kuwa xaqa rumeeyow waxaa laydinku waajibiyay Soonka sidii loogu waajibiyay […]
Ajirka laga helo qof sooman in la afuriyo

Ajirka laga helo qof sooman in la afuriyo Qof muslin oo sooman in la afuriyo ma aha wax yar, waxaa laga helaa ajar aad u weyn, ajirka laga helo axadiis ayaa sheegtay, wayba ka sii daran tahay marka uu yahay qofkaas qof dan yar ah. Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- waxa uu […]
