Site icon Daruur درور

Shinbir ooman ayaan ku riyooday anoo waraabinaya

Su’aasha:

Asc waad mahadsantihiin Allah ha idin Sharfo
waxaan ku riyooday aniga oo socda wado oo gaadhigayga wata ayaan waxaan arkay diin wadada katalabaya iyo shinbir aan duulikarayn oo beerka ku siqaysa waan istaagay wadada dhexdeedii kabacdi intay xagayga soo eegtay shinbirtii ayay afka kala qaaday waxaan dareemay in ay ooman tahay
kabacdi waan soo qaaday waxaan waayay tukaan Furan gaadhigana biyo may dhex oolin gawadhidii iga danbaysay oo iyana idaba istaagay ayaan ku idhi biyo mahaysaan waanka waayay waan dagay waxaan helay taangi biyo ku jiraan oo meel yaala waan u soodaray Weelna waan helay waan ugu shubay way cabtay waanay kacday iyadoo cabaysaan markay kacday katagay
Allah mahadle.

Shinbir ooman ayaan ku riyooday anoo waraabinaya
Shinbir ooman ayaan ku riyooday anoo waraabinaya

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa in shaqada darajo aad ka heli doonto sidoo kale meel sare aad ka gaari doonto waxbarashada, waraabinta shinbirta ooman waxay tilmaamaysaa arrimo waaweyn oo la xiriira noloshaada waa fal aad u fiican oo qiimaha uu diinta xaggeeda ku leeyahay aan lasoo koobi karin, marka ajir weyn ayaa laga helayaa marka adiga noloshaada ayaad ka dareemi doontaa, sidoo kale diinka wuxuu tusiyaa qof aad u cilmi badan oo Ilaahay caabuda marka riyada waa khayr iyo bishaaro, riyada mustaqbal fiican ayay tilmaamaysaa oo adiga kugusoo wajahan.

Qoolley waxay ka mid tahay shinbirta sidaa awgeed macnaha guud ahaan isma baddalayo, riyada meesha ay ku biyashubanayso waa waraabinta shinbir ooman.

Exit mobile version