Shinbir ooman ayaan ku riyooday anoo waraabinaya
Su’aasha:
Asc waad mahadsantihiin Allah ha idin Sharfo
waxaan ku riyooday aniga oo socda wado oo gaadhigayga wata ayaan waxaan arkay diin wadada katalabaya iyo shinbir aan duulikarayn oo beerka ku siqaysa waan istaagay wadada dhexdeedii kabacdi intay xagayga soo eegtay shinbirtii ayay afka kala qaaday waxaan dareemay in ay ooman tahay
kabacdi waan soo qaaday waxaan waayay tukaan Furan gaadhigana biyo may dhex oolin gawadhidii iga danbaysay oo iyana idaba istaagay ayaan ku idhi biyo mahaysaan waanka waayay waan dagay waxaan helay taangi biyo ku jiraan oo meel yaala waan u soodaray Weelna waan helay waan ugu shubay way cabtay waanay kacday iyadoo cabaysaan markay kacday katagay
Allah mahadle.
