Site icon Daruur درور

Riyo anigoo gaari wado oo iga hallaabaya

Su’aasha:

asc walalaha daruur waad ku mahadsan tihiin jawaabtiina waxa kalo wata su,al kale.
marwalba waxa kuriyoda gari kasto aan wado waxyar hadu dhaqaaqo kadib wu ciladaysmaa mana dhaqaaqo sidaa aytahay na gaari waan leyahay waana wadaa marka riyadaas maxay noqon kartaa.

Riyo anigoo gaari wado oo iga hallaabaya
Riyo anigoo gaari wado oo iga hallaabaya

Jawaabta:

Gaariga wuxuu tilmaamayaa waxqabadka iyo amuuraha meesha ay kuu marayaan,ganacsi ama guur ama wax kale, hadduu kaa joojoogsanayo waxay ka dhigan tahay arrimahaaga wax baa kaa reebaya oo u baahan in la toosiyo, waxyaabo ayaa ka qaldan shaqadaada ama xaalkaaga, waxaa fiican inaad dib isugu laabato, riyada waxay tilmaamaysaa arrimahaaga inay u baahan yihiin toosin iyo hagaajin, waa riyo digniin ah.

Exit mobile version