Riyada yaraanshaha naasaha dumarka
Su’aasha:
Waxaan idinka rabaa inaad ii fasirtaan gabar haddii ay ku riyooto iyadoo naaskeea aad u yaraaday wuxuu noqday wax aad u yar sida yaanyada yar oo kale riyadaas maxay noqonaysaa fadlan si dhaqsi iigusoo fasira wax mioya amise wax fican
Jawaabta:
Naaska gabadha guud ahaan wuxuu tilmaamaa nolosha iyo barwaaqada waa wax wanaagsan marka riyo lagu arko, maxaayeelay midka ilmaha lagu kuryio marka ay yar yihiin, nuugmada naaska ayay ku koraan caruurta.
naaska dumarka haddii uu noqdo mid xayeesi ah oo maqaar ah riyada waxay tusineysaa murug oo qofka lasoo gudboonaanayso oo la xiriirta dhaqaale la’aan ama ciriir nolosha kusaabsan, waxaa kaloo laga yaabaa naaska maqaarka keliya ah oo aan ahayn mid weyn oo tagan inuu tuso madhalaysnimo, sidoo kale naaska yar wuxuu tusinayaa inaadan heli doonin wax aad ku faraxdo oo noloshaada ay gali doonto walwal iyo walbahaar.