Asc waad mahadsantihiin webka daruur Allah macak
waxaan ku riyooday a anoo xaafada soo dhigay tank biyood oo aad u wayn oo cad qiyaas ahaan laba makhsin oo jiingada ayuu le ekaa
aadbuu u waynaa waxaan rabay in xaafadu biyaha ku shubato
Allah mahadle.
Jawaabta:
Taangiga biyaha ama booyadda waxaa lagu fasiraa barwaaqo iyo xaflad ballaaran iyo nasiib weyn, guud ahaan waa riyo fiican, riyada waxay tilmaamaysaa inaad dadka caawin doonto oo aad siin doonto wax badan sidoo kale inaad hanti badan yeelan doonto, taangiga biyo ayaa lagu shubtaa biyahana waa aasaaska nolosha.