Site icon Daruur درور

Riyada salaan dheeroo dhinacyadana ka xidhan si aan loo dhicin

Su’aasha:

Asc waad mahadsantihiin marwalba
waxaan ku riyooday aniga iyo edaday aabahay la dhalatay oo aanu fuulayno salaan dheeroo aad u dheer edaday ayaa daashoo fadhiistay ana waanka horeeyay waxaan arkay iyadoo fadhiistay waan kusoo noqday waan u imid waxaan ku idhi edo miyaad daashay way igu qososhay kabacdi waxan eegay dhinacayga meel banaan waxaan arkay dhulkii oo aad u fog waan yaabay
waxaan u imid edo waan ag fadhiistay waxaan ku idhi waxaan joognaa hawada sare magaaladii dirqi ayaa lagu arkayaa
halkii ayaanu ku sheekaysanaynay cabaar
waxaa kaloo Meesha ku arkay Niman u eeg kuwa wax dhisa ee dhismaha oo noo yimid iyagoo dharkii shaqada xidhan waxay noo keeneen kuraasi halkiibaanu fadhiisanay
Allah mahadle.

Riyada salaan dheeroo dhinacyadana ka xidhan si aan loo dhicin
Riyada salaan dheeroo dhinacyadana ka xidhan si aan loo dhicin

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto mustaqbalka aad raadinayso, salaanka ama jaranjarada waxay astaan u tahay mustaqbal iyo jago sare, marka riyada waa guul aad heli doonto.

Exit mobile version