Riyada salaan dheeroo dhinacyadana ka xidhan si aan loo dhicin
Su’aasha:
Asc waad mahadsantihiin marwalba
waxaan ku riyooday aniga iyo edaday aabahay la dhalatay oo aanu fuulayno salaan dheeroo aad u dheer edaday ayaa daashoo fadhiistay ana waanka horeeyay waxaan arkay iyadoo fadhiistay waan kusoo noqday waan u imid waxaan ku idhi edo miyaad daashay way igu qososhay kabacdi waxan eegay dhinacayga meel banaan waxaan arkay dhulkii oo aad u fog waan yaabay
waxaan u imid edo waan ag fadhiistay waxaan ku idhi waxaan joognaa hawada sare magaaladii dirqi ayaa lagu arkayaa
halkii ayaanu ku sheekaysanaynay cabaar
waxaa kaloo Meesha ku arkay Niman u eeg kuwa wax dhisa ee dhismaha oo noo yimid iyagoo dharkii shaqada xidhan waxay noo keeneen kuraasi halkiibaanu fadhiisanay
Allah mahadle.
