Riyada roobka iyo balayga ama warta Riyooyinka - Dreams By mahamed karaamo On May 6, 2021 359 0 Su’aasha: Asc waad mahadsantihiin marwalba Allah macak waxaan ku riyooday aniga oo dhex jooga roobkoo da’aya oo saxansaxo udgoon leh biyihiisana cabaaya ayaan hadan roobka dhexsocdoo waxaan tagay meel geedo waawaynle oo barwaaqo ah oo uu roobkiina ku da’ayo kabacdi waxaan hoos istaagay geed wayn waxaa geedka kasoo baxay waxad moodo tuunbo biyo ah oo biyo badan oo nadiif ahi kasocdaan anigay dushayda kusoo dhacayaan ana waanku maydhay sifiican anigoo faraxsan biyahana waxad moodaysay kuwo aanku raaxaysanayo kabacdi biyiihii dhulkay qulquleen meel ii dhaw oon arkayo ayay fadhiisteen kabacdi waxad moodaysay balay wayn balaygii ayaa waxaa yimid nin dharcad xidhan oo wada qof aan umaleeyay inuu aabihii yahay oo uu garabka hayo waanu xanuunsanayay qofkaasi garabka lahayaa dirqibuu kusocdayo wuuluudayaa isagoo ninkalana garabka hayo kabacdi biyii ayuu dhex galiyay oo uu ugu maydhay waxaa kasoo baxay biyihii ninkii odayga ahaa oo caafimaaday markaasi ayaan idhi alxdlh intaan xaga sare eegay biyii soo burqanayay ayaan gartay biyuhu in ay caafimad yihiin waanku farxay Allah mahadle. Riyada roobka iyo balayga ama warta Jawaabta: Riyada waxay tilmaamaysaa bakaro iyo khayr badan oo xad aan lahayn, biyaha waa nolol, sidoo kale geedahana waxay tilmaamaan barwaaqo iyo aaran, marka riyada waa bishaaro waxayna u eg tahay riyooyinka badankooda aad soo qortay. Riyada BiyahaRiyada Roobka 0 359 Share