Site icon Daruur درور

Riyada rag toorey wata oo weerar soo qaaday

Su’aasha:

Riyadan waxaan kuriyoodey Xaley waxeyna tahay Xili habeen anigoo banaanka iskaga caweynayo ayaa guriga waxaa yimid 3 nin oo toorey wata Anigane quf ayaa ii waramaayo markaan usoo socdey guriga waxaan arkayey dad badan oo saf ku jira sida in la isoo dhaweynayo oo kalle markaan gurigi imid 3 nin midka mid ah ayaa waxa uu dhahayaa 3da quf ee guriga ku jirta qufkee lasoo bixinaa walalkey oo meesha taagnaa ayaa waxa uu yiri Aabo marki uusoo baxay 3 nin Tooreey ayey lasoo baxeen waxa ay isku dayayeen in ay dilaan anigane Tooreydi ayaan la qabsadey anagoo is heysano oo meesha mushkilo weyn taagan tahay ayaan kasoo kacay hurdada.

Riyada rag toorey wata oo weerar soo qaaday
Riyada rag toorey wata oo weerar soo qaaday

Jawaabta:

Riyadan waa digiin qofka marka uu arko rag wata toorreeyo waxaa lagu fasiraa inay yihiin dad cadow ah, riyada waxay tilmaamaysaa inay jiraan dad cadow ku ah familkiina siiba qoyskiina marka waa inaad iska jirtaan dadka dhibka idinla rabo.

Exit mobile version