Site icon Daruur درور

Riyada qofka oo kaxayn la’ gaari

Su’aasha:

ASC
WALAL WAXAAN KU RIYOODAY ANOO GAADHI WADA LKN AAN WADI KARIN OO KOLBA GIDAAR AMA GAADHI KU DHACAYA WADADA AYUU KOLBA IGALA BAXAYAY MARKII DANBE WAAN JOOJIN KARI WAYAY WAANA DAMIN KARIWAYAY WUU SOCDAY LKN KOLBA GAADHI BUU KU DHACAYAY OO DAAQADAGA JABAYEEN INTAA KAFIB ANOO NAXSAN BAY DAAQADA ISKA FURANTAY SI TARTIIB AH WAANA KA DAGAY SIDAAN UGA SAGAY BUU XAGA KLE ISKA ROGAY OO BUR BURAY SUBXAANALLAH ISO FASIRA WALAL.SHUGRAN LAKUMAA.

Riyada qofka oo kaxayn la' gaari
Riyada qofka oo kaxayn la’ gaari

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa nolosha aad ku sugan tahay inay mashaakil badan leedahay, qorshaha aad waddo inuusan kuu toosnayn go’aan ayaa lagaaga digayaa oo aad qaadan rabto oo dhib kuu keeni kara oo noloshaada qasaya, gaariga aad wadi la’dahay waa dhibka aad kala kulmayso nolosha iyo dadka aad isku hor imaan kartaan.

Waliba haddii xaas aad tahay riyada waxay tilmaamaysaa nolosha qoyska ama guriga xiriirka adiga iyo ninka.

Exit mobile version