Site icon Daruur درور

Riyada qof shaydaan ka dhuumanayo oo albaabka kasoo xiranayo

Su’aasha:

Asc, Walaalaha daruur. Salaan kadib. Waxaan habeen dhaweyd ku riyooday shaydaan aan ka galay guri kadib albaabka aan kaso xidhay. Albaabku waa laga dhex arkayey qofka banaanka jogaa. Waxan bilaaway inaan Quraan akhriyo kadib shaydaanki albaabka ag jogay wuu suuxay ayan idhaahda oo wuxuu ku dhacay dhulka. Bal ii fasiira Jazakummu Allah khayraan.

Riyada qof shaydaan ka dhuumanayo oo albaabka kasoo xiranayo
Riyada qof shaydaan ka dhuumanayo oo albaabka kasoo xiranayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inay jiraan arrimo niyadda kaaga jiro oo keenaya inaad cabsato, waxaa kaloo laga fahmayaa quraanka inuu xijaab kuu noqonayo markaad akhrisato wax kaste xun inuu Ilaahay kaa badbaadinayo, ku dadaal quraanka iyo salaadda iyo weysada iyo wanaagga, inshaa Allaah shayaadiinta waad ka badbaadaysaa waswaaskooda iyo fidnadooda daran.

Exit mobile version