Site icon Daruur درور

Riyada nin ku xaaray meesha weysadaaqka ee masjidka

Su’aasha:

Asc , nin wuxuu arkay masjid ku jiro gaar ahaan meesha weyso qaadka, asagoo fadhiya oo saxaro yar dhigay , dadna ma ujeedo, wuu isla yaabay meesha u ku saxarooday , waxbuu soo qaatay wuu qaaday saxarada , musqusha ku shubay . Fasirkeeda muxuu noqonaa?.

Riyada nin ku xaaray meesha weysadaaqka ee masjidka
Riyada nin ku xaaray meesha weysadaaqka ee masjidka

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa qofka inuu ku dhici doono fadeexo ama inuu sameyn doono fal anshaxumo ah, riyada saxarada meesha aan loogu talagalay waa fal xun oo ceeb wata, waxaa laga yaabaa in wax looga digayo ha iska ilaaliyo falalka uu sameynayo qofkaas.

Exit mobile version