Riyada jin aan la dagaalamayo oo isna i dhunkanayo
Su'aalaha
Su’aasha:
Asc waxaan ku riyooday Jin suurada qof ehelkeyga ah leh oo aan ceynayo asna I dhunkanayo oo afka inuu afka Ii geliyo rabo ana aan ka cararayo.
Jawaabta:
Waxay tilmaamaysaa inay jiraan arrimo dhib kugu hayo oo aadan ka hortagi karin oo aad ka baqayso inaad waajahdo, waxaa lagaa rabaa inaad Alle magangasho oo aad ka dheeraato wixii dhib kuu keenaya, jinka inta badan wuxuu tilmaamaa xaaladahan oo kale qof awood leh oo dhib kuu geysan karo oo lagaa rabo inaad iska ilaaliso.