Riyada hurdada gaariga iyo masago dhulka lagu daadinayo
Su’aasha:
Asc Sheikh allaha ku barakeyo
Riyadan maxa lagu fisiri karaa
Gaari sida bas eh ayan albabka ka heste wana hurdonay wadada ayaa lagu dadiyay masago ama haruur sida u taqano dadkane wey wada qaadanayen wuuna soo haray wey ka dhergen dadkii indhaha ayan kala qaday naag dheheso wiilkeyoow raga qiyaanadooda malaga sal gaari karo caro ayuu wiilkii wel ku qaatay ane waan soo orday anoo waan daahay dhahayo.
Jazakaallh.
Jawaabta:
Riyada waa baraarujin lagugu baraarujinayo inaad kasoo laabato qaladaad nolosha kaa dhacay taasna waxaa laga qaadanayaa hurdada aad hurdayso adoo gaari saaran waa arrin dhib tilmaamaysa masagada meesha lagu daadinayo waa khayr iyo hanti badan, marka riyada waxay kugu baraarujinaysaa inaad iska saxdo qaladka oo aad ku dadaasho wixii wax kuu taraya oo aad ka kacdo huradada aad ku jirto. Sida dadka kale aya u urursanayaan masagada oo ay uga faa’idaysanayaan jaaniska.
Gaariagana wuxuu matalaya wixii lagu badbaadi lahaa taas waxay ka dhigan tahay adoo haysta wixii wax kuu tari lahaa ayaad ka seexanaysaa.