Waaku salaamay marka hore waxaan ku riyooday laba habeen oo isku xigta hooyadey oo wax aan ka haleeyey ka dibna ul yar intay iisoo qaadatay anna aan iska sasabaayo riyadaas maxaa lagu fasiraa.
Jawaabta:
Waan kaa qaaday saaxiib, riyada waxay tilmaamaysaa hooyadaada inay kula rabto wanaag iyo mustaqbal fiican, riyada muuqaalkeeda waxaa loo maleeyaa dagaal iyo garaacid, laakin waxay wadataa macne ah xigmad iyo nasteexo kuwaas oo kaaga imaanaya hooyadaada, marka ku dadaal hooyadaada inaad raalligaliso si aad u gaarto guul iyo khayr badan.