Site icon Daruur درور

Riyada hooyada dhimatay maxay noqon

Su’aasha:

Qofka haduu ku riyoodo hooyadiisa oo dhimatay oo riyo ugu imaanayso iyadoo faraxsan oo cunto siinayso cuntadaasna aad u macaan badan maxaa lagu fasiraa riyada hooyada geeriyootay.

Riyada hooyada dhimatay maxay noqon
Riyada hooyada dhimatay maxay noqon

Jawaabta:

Riyada hooyada geeriyootay qofka marka ay u timaado waxay tilmaamaysaa guud ahaan fariin weyn oo qofka kusoo wajahan, hadday timaado iyadoo faraxsan oo qoslaysa waxay tilmaamaysaa inuu qofka ka bixi doono dhibka uu ku jiro oona arsaaq uu heli doono sidoo kale awlaad hadduusan haysanin sidoo kale barako ayuu helayaa, waayo hooyada waa asalka qofka, haddii ay hab siiso waxay tilmaamysaa inuu cimri dheer helayo, riyada hooyada waa khyar iyo bishaaro.

Exit mobile version