Site icon Daruur درور

Riyada gabar nabinimo sheeganaysa

Su’aasha:

Asc wll waxaan ku riyooday xalay aniga ayaan waxaan arkay gabar niman badan ay foodaynayaan waan ka celiyay markaas ayay waxay igu tiri rasuul ayaan ahay waxaana dhahay sidee kugu aaminaa markaas bay tiri cirka arag waxayna samaysay cirka ayay bad badashay dayixii ayay ka dhigtay qorax ana waan aaminay oo ana dadka gurigayga joogo ayaan barbaraayay oo gaarsiinay riyadaas maxay noqon kartaa.

Riyada gabar nabinimo sheeganaysa
Riyada gabar nabinimo sheeganaysa

Jawaabta:

Riyadan waa riyo halis ah waxay tilmaamaysaa inaad arki doonto fidno daran iyo been xoog badan oo diintaada shaki kaa galinayso, waa digniin, iska ilaali inaad rumayso wax qaldan, Alle diintiisa oo xaqa ah ku dheg, nabi ka dambeeyo ma jiro Nabi Muxamad (SCW).

Mana jirto diin kale oo islaamka gadaashiisa imaanayso ilaa maalinta qiyaame.

Exit mobile version