Riyada gabar gadaal iga qabsaneyso caloosha iyo xabadkana iga salaaxeyso
Su’aasha:
Waxaan xaley ku riyooday gabadh aan whats appka iska naqaano balse aan xiriir saas u weyn naga dhexeyn gabadhan hada ka hor waanku riyooday iyadoo guriga ila joogta hadana xaley ayaan ku riyooday iyadoo guriga nala joogto markaasna aan qoyskeyga baraayo sida aabahay iyo Hooyadey waliba aabahay wuxuu igu bogaadiyey inaan gabadha aan guursado isla riyada dhexdeeda waxaan ku xasuustaa in gabadhu ay gadaal iga martay iskuna kay duubtay waliba iyadoo salaaxeysa caloosheyda iyo xabadkeyga anna aan ku xanta xantoonaayo bal iisoo fasir sxb waana ku salaamayaa.
