Site icon Daruur درور

Riyada dhimbilo dab ah soo faniinaya

Su’aasha:

Asalam alaikum walal waxan arkay anigo guri walashey oo hada jogo howl ka haayo kadib wiil aan social media ha aan ku arko aan aqoon u laheyn baa ii yimid oo I caawinaya mesha waxa yaalo burjiko dab ah oo dhimbilo dab ah ka bood boodaya anigana dab ka ban ka baqaya oo indhaha yey ka galin isleeyahay isaga dab ka san uga cararayo buu ku qoslaya.

Riyada dhimbilo dab ah soo faniinaya
Riyada dhimbilo dab ah soo faniinaya

Jawaabta:

Riyada qaabka hadda ay tahay waxay tilmaamaysaa hadalo xun oo qofka dadka ay ka sheegayaan ama dhibaato ama ceeb qofka soo gaaraysaa, dhinbilaha marka ay qaabka aad sheegtay yihiin ma ficna waa musiibo ama hadal oo qofka lagu oranayo ama wax xun laga faafinayo, dhinbisha waxay fiican tahay marka dab shidan ay ka muuqato iyadoon boodboodaynin oo dabaysha raaraacin, marka riyada waa digniin waxaa laga qadaa iska jir dad inay wax kaa faafiyaan ayaa dhici karta oo bulshada markaas ay ogaato.

waxaa laga yaabaa ninkaas qoslaya inuu ku faraxsan yahay ceebta ama waxa laga faafinayo ama waxaaba dhici karta inuu isaga ka dambeeyo oo lagaaga digayo ninka.

Exit mobile version