Site icon Daruur درور

Riyada dayr wayn iyo dumar iyo inan yar

Su’aasha:

Asc Allah mahadleh

waxaan ku riyooday anoo lasocda gabadh ayaan waxaan dayr wayn kasoo galnay koone waan dhex soconay laba dumaroo meesha wax ku karinaya waxayna ahayd heteel cunto ayaan soo marnay waan soo dhaafnay waxaan nimid koonihii kale gabadhii ila socotay inan ay dhashay oo u qurux badan oo labisan ayaanu u nimid waan Yara kaftamay oo kalidaan qabtay iyadoo way qososhay
Allah mahadleh.

Riyada dayr wayn iyo dumar iyo inan yar
Riyada dayr wayn iyo dumar iyo inan yar

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa nolol degan oo farxad wadata oo barwaaqo ah, gabadha iyo ilmaha yar waxay astaan u yihiin nolosha iyo raaxada aduunka, sidoo kale xaaladda farxadda aad ku jirto waa raaxo xagga qalbiga, riyada waxaa kaloo ay tilmaami kartaa guur iyo ubad wanaagsan.

Exit mobile version