Site icon Daruur درور

Riyada dadka magaalada ku nool oo dhan la dilayo

Riyada dadka magaalada ku nool oo dhan la dilayo

Riyada:

Waxan ku riyooday dadka magaalada dagan oo dhan oo la wada dilayo waxa dadka dilayay bani.aadam ma ahayn ee lakin way u ekaayen bani.aadamka lugo iyo gacmo way leyihin oo sidii bani.aadamka u socdaan wayna qaawan yihin kaliya way naga indho waawaynayen dhagahoodana way dhaadherayen jidhkoodana wuxu u ekaa sidii jidh maqaarka laga siibay oo kale intaa kadib waxa sidaas u eeg waxay dilayeen dadka magaalada ku nool oo dhan wayna jar jarayeen aniga iyo family waanu cabsanayna anigana waxan dhibsanayaa dadkan la dilayo oo la jar jarayo inaan arko waan ka naxayaa ma arki karo dadka waxa loo kala jarayaa labo jeex wax wayn bay sidaa ugu dhufanayen oo seef ah waxaana leeyahay ilahow aniga igu xejiyaan xanuunkan iyo dadkan la dilayo uma adkaysan karee kadib way i gowraceen mindi ayay qoorta iiga jareen sidaas ayaana ku dhintay hadana waxan arkayaa aniga iyo family oo guriga kujirno cabsanayno oo leh aabo waakan ninkii na dilayay wuuso galay guriga lkn ninkaas qof caadi ah ayuu ahaa dhar madow ayuu xirnaa sida kuwaas ma ahayn iyo ninkii oo meel kasoo boodayo

Hadaba meesha dadka sidaa loogu leynayo magaalada aan hada daganahay uma eko oo meshu Somalia uma eko way ka qurxon tahay ma.aqaan lkn waan hubaa meeshu waa meel kale oo aan Somalia ahayn

Riyada dadka magaalada ku nool oo dhan la dilayo
Riyada dadka magaalada ku nool oo dhan la dilayo

Fasirka:

Riyada waxay tilmaamaysaa fidno weyn oo la xiriirto aakhir samaanka.

Dilkaas badan waxaa laga yaabaa inuu ka dhici doono dunida guud ahaan.

Waxay noqon karaan dadkaas shayaadiin ama wax kale Alle kusoo diri doono dadka.

Maxaayeelay waxaa batay dulmiga iyo dhibaatada lagu hayo dadka masaakiinta ah.

Riyada waa digniin culus ku wajahan dadka oo dhan.

Dadka aad riyada ku aragtay astaamahooda waxay eg yihiin makhluuqaad ku nool gudaha dhulka oo jinka xiriir la leh.

 

Halkan akhriso makhluuqaadkaas waxa ay yihiin

 

The dream indicates a great tribulation related to the end of the world.

This mass killing may occur in the world as a whole.

These people may be devils or something else that Allah will send to people.

Why is there so much oppression and suffering for the poor?

The dream is a serious warning to all people.

The people you saw in the dream have the characteristics of creatures living in the depths of the earth and are related to the jinn.

Riyada dilka oo faahfaahsan halkan ka daawo

Exit mobile version