Site icon Daruur درور

Riyada bas oo gadoomaya iyo timo la jarayo

Su’aasha:

Walaal waxaan ku riyoodey Gaari bas aan saarnaa oo gadoomayo darawalki wadeyna nin askari ah inuu dili rabo kadib darawalka qalqal ayaa galaya kadib gaariga ayaa gadoomaya hadane riyada dhaxdeeda waxaan ku sii arkey Anigoo meel darbi ah fadhiya timaha la ii jaraayo Gaari kaloo bas ah oo gadoomaya Laamiga dhaxdiisane waxaa marayey Hal geel geelka ayuu ku gadoomayaa geelka wuu soo kacayaa asigoo afka ka dhiigaya.

Riyada bas oo gadoomaya iyo timo la jarayo
Riyada bas oo gadoomaya iyo timo la jarayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad ku dhici doonto mashaakil fara badan rabshado iyo dagaalo iyo cadaawadnimo lagula dhaqmayo, laakin waad ka badbaadi doontaa marka ugu dambaysa.
Gaariga gadoomaya wuxuu tilmaamayaa arrimahaaga inay isku qasmi doonaan siiba qorshaha aad wadato ama mashruuca kuu furan ganacsi ama waxbarasho ama guur.
Waxaa kaloo riyada laga fahmayaa dad inay jiraan oo wanaag aan kula rabin oo raba inay dhib kuu geystaan.
Sidoo kale timaha laguu jarayo iyagana waxay tilmaamayaan inaad rabto noloshaada inaad wax ka badasho labada riyo way isku xiran yihiin.
Ku dadaal wixii wax kuu taraya dadka aad is leedahay waa xaasid iska ilaali.

Exit mobile version