Site icon Daruur درور

Riyada anoo dhilinyaro jaamacadaha dhameeyay arin mucjiso ah baraya

Su’aasha:

Asc xayaa kumulaah
Waxaan ku riyooday anoo usoo galay arday jaamacada dhanaystay oo daraasad samaynaya AMA shiraaya oo hool wayn fadhiya oo uu hoolku buuxo dhulka wada fadhiyaan oo aad goglan roog yaalo ayaan usoo galay sidii oo ay isugayeen waxaan salamay waxaanku idhi waxaan idin barayaa maanta sida loo sameeyo kalarada kasoo qaad samuuradiinu hada waa green waxaan ka dhigayaa todoba nooc sida elecronicada saacadba Midab ayadu isu badalayso lagayaabee 10 sano ilaa 20 sano kadib in aduunku gaadhaan Sidan hada idin bari doono kadib shandad kuwan garabka lasudho ayaan sitan oo qalab iigu jiro waan lasoo baxay waxaan kasoo saaray shay yar oo sida burushka u eeg samuuradii ayaan mariyay anigoo ka eeganaya shaashad iigu Jirtay shandada oo aan qarinayo si aanay u arag iyaga kabacdi waxay noqotay samuuradii buluug
Mid Kalan soo saaray waan mariyay samuuradii waxay noqotay green
Midkalan soo saaray waan mariyay waxay noqotay madow ama black
Kadibna qaarbaa soo kacay ii sikadis ah iisoo gaaday si ay u arkaan meeshan ka eeganaya anoon u ogalaan anaa waxaan ku idhi Sidani waa khiyaamo Idin manatusayo waxna idiinma faidaynayo nabadgalyo waan soo dhaqaaqay kadib bay yidhaah deen kalarkii green ka ahaa noogu celi ana waxan ku idhi hada sadex kalar ayay idiinku shaqaynaysaa
1 buluug
2.green
3 madow
Iyagoo arkayay isu badashay green ana waan iskaga tagay
Allah mahadle.

Riyada anoo dhilinyaro jaamacadaha dhameeyay arin mucjiso ah baraya
Riyada anoo dhilinyaro jaamacadaha dhameeyay arin mucjiso ah baraya

Jawaabta:

Riyada waxay tusinaysaa meesha aad ka gaarayso nolosha iyo sida aad wax u kala hagayso, taasna waxay ka suurtagashaa qofka marka uu awood yeesho oo hanti lahaado, riyada ardayda aad waxbarayso waxaa laga fahamaa sida aad bulshada u hogaaminayso, midibada aad kala badbadalayso waa sida ay kugu sahlanta nolosha iyo xaaladaha iyo talada aad fulinayso, riyada guud ahaan waxay tilmaamaysaa meesha aad gaari doonto.

Exit mobile version