Site icon Daruur درور

Qolada Takfiirta ee dadka gaaleysiisa shiicada mey xisaabsan yihiin?

Su’aasha:

Culimada Takfiiriyiinta ma waxay raacsanyihiin muslimiinta suniga ah mise kuwa shiicada mida kalena warbixin iga Takfiirtu waxa ay yihiin iyo sida ay u dhaqmaan.

Qolada Takfiirta ee dadka gaaleysiisa shiicada mey xisaabsan yihiin?
Qolada Takfiirta ee dadka gaaleysiisa shiicada mey xisaabsan yihiin?

Jawaabta:

Takfiirta marka hore waxay soo baxeen markii ay is dagaaleen saxaabada, gaar ahaan Cali bin Abii Daalib iyo Mucaawiye bin Abii Sufyaan (dhammaan raalli Alle haka noqdee), waxaana la oran jiray qolada takfiirta xilligaas Khawaarij   الخوارج, waxay gaalaysiinayeen dadka muslimiinta qofkii dambi weyn sameeyo sida sinada iyo xatooyada iyo dilka iwm.

Kaddib qolo kale ayaa isla manhajkaas qaadatay oo lagu magacaabi jiray Muctasila المعتزلة iyagana qofka muslinka waxay ku gaalaysiin jieen dembiga weyn, ilaa laga soo gaaro casirga cusub, haddana waxaa qaatay manhajkaas dadka lagu magacaabo Wahaabiyada   الوهابية  oo dowladda sacuudiga ee hore ay samaysay iyagana muslimiinta waxay ku gaalaysinayeen dambiyada qaar.

Takfiirka waxaa sabab u ah aqoonyarida diinta,

Dhaqanka qolada takfiirta waa dhaqan xirxiran waxay u haystaan dadka muslimiinta inay gaalo wada yihiin, kama guursadaan wixii ay qalaanna ma cunaan, waxayna bannaystaan dhiiggooda, qaraxyada in la fuliyo way taageeraan waxayna u arkaan in janno lagu galayo dilka iyo leynta muslimiinta.

Shiicada  الشيعة  waa qolo kale iyagana waxay soo baxeen xilligii dagaalkii saxaabada, iyagana waxay gaalaysiiyaan dadka sunnada haysta, waxay aaminsan yihiin saxaabada badankooda inay gaalo yihiin, waxay leeyihiin xukunka waxaa iska lahaa Cali bin abii Daalib iyo ubadkiisa  ilaa haddana sidaas ayay aaminsan yihiin Shiicada waxayna u qaybsamaan noocyo badan.

Exit mobile version