Qofkii ku riyoodo isagoo shimbir biibaya dafay
Su’aasha:
ASC gudomiye qof baa Ku riyooday shimbir hawada biibaayo oo qofkii dafay.
Jawaabta:
Riyada dafitaanka ma fiicna guud ahaan, siiba markay qaabkan tahay, waxay tilmaamaysaa qofka la dafay in hanti laga dhacayo ama la afduubanayo, shimbirka wax dafaya wuxuu astaan u yahay tuug halis ah oo khiyaano badan, marka riyada waa digniin qofkaas waxaa laga rabaa inuu feejignaado oo uu iska ilaaliyo meelaha uu ka shakisan yahay iyo dadka uu dareenka ka qabo, mararka qaar Alle addoonkiisa riyo ayuu tusiyaa si uu isu ilaaliyo, faa’iada riyada ay u leedahay qofka muslinka waa saas, marka Ilaahay sharta ha naga ilaaliyo.