Site icon Daruur درور

Ninka muslimiinta Norway weerar ku qaaday

Warar ka imaanaya magaalada Oslo ee dalka Norway  waxay sheegayaa in Maxkamad maanta la soo taagay ninkii weerarka ku qaaday masjidka muslimiinta ee Norway.

Ninkan oo 21 jir ah luguna magacaabo Philip Manshaus ayaa maalintii sabtida isagoo qoryo ku hubeeysan galay masjidka Al Nour Islamic Center, kaas oo isku dayay in gumaad ka geesto, balse dadkii masjdka ku cibaadeeysanayay ayaa ka hortagy ninkaas oo gacantana ku dhigay una dhiibay booliska markii dambe.

Ninka muslimiinta Norway weerar ku qaaday
Ninka muslimiinta Norway weerar ku qaaday

Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Erna Solberg, oo shalay gelinkii hore booqatay masjidka soomaalida ee magaalada Baerum, ayaa sheegtay dowladdeeda inay damaano qaadeeyso ammaanka goobaha lugu cibaadeysto, qof kastana xaq u leeyahay si ammaan ku jirto inuu diintiisa ugu dhaqmo. waxay sidoo kale sheegtay in ay ka xun tahay falkaas naxdinta leh.

Exit mobile version