Site icon Daruur درور

Nin soo islaamay asoo jira 99 sano

Alle (SW) isagaa hanuunka iska leh qofkuu rabo ayuu hanuuniyaa qofkuu rabana wuu lumiyaa, ninkan wuxuu soo galay diinta islaamka asoo jira 99 sano.

Nin soo islaamay asoo jira 99 sano
Nin soo islaamay asoo jira 99 sano

Maanta waxaa sugan qofka marka uu soo islaamo Alle inuu ka dhaafayo dambiyada uusoo galay  oo dhan sida uu ku sheegay quraanka kariimka Alle wuxuu yiri:

(قُل لِّلَّذِينَ كَفَرُوا إِن يَنتَهُوا يُغْفَرْ لَهُم مَّا قَدْ سَلَفَ وَإِن يَعُودُوا فَقَدْ مَضَتْ سُنَّتُ الْأَوَّلِينَ)

(Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi wixii hor maray, haddayse Daa’imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore)

Marka naxariista Alle sidaas ayay u ballaaran tahay, Alle ayaan weydiisanaynaa khaatumo wanaagsan qofkii islaamka ku dhinto aad buu u liibaanay.  Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

( الإسلامُ يهدمُ ما كان قبلَه، والتوبةُ تَجبُّ ما كان قبلَها)

(Islaamka wuxuu dumiyaa wixii ka horreeyay, towbadana waxay gooysaa wixii ka horreeyay)

Exit mobile version