Site icon Daruur درور

Naag ku riyootay ninkeeda oo haweenay kale u galmoonaya

Su’aasha:

SCW waxan ku riyooday ninkayga oo naag kale galmo la samynaya anigana waxan dhalay labaatan maalmood ka hor markaas ayaan ku qayliyay asoo sariirta la saaran waxaan ka reebay inuu galmada dhamaystiro waxan ku iri anigaa halkaan joogo nagtan maxaad ka rabtaa riyadan maxaa lagu fasiri karaa?

Naag ku riyootay ninkeeda oo haweenay kale u galmoonaya
Naag ku riyootay ninkeeda oo haweenay kale u galmoonaya

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa baahida aad u qabto ninkaaga waxaa kaloo lagu fasiri karaa ninkaaga dadaalka uu u hayo adduunyada, naagtaas waxay noqon kartaa adduunyo iyo shaqada uu ku mashquulsan yahay, marka waqtigiisa oo dhan ayay ka qaadatay heer aad adiga dareento inuu kaa mashquulay, riyada ma aha ninkaaga inuu naag kale la seexanayo.

Exit mobile version