Site icon Daruur درور

Ma jano ayuu galayaa qofka risaalada diinta gaarin ee dhinta

Su’aasha:

Asc ma aqaan Hanaanka uu u Shaqeeyo webkan faiidadan badan inoo hayo ee Daruur in shaqsi kaliya kawada jawaabo Su,aalaha iyo in dhowr qof ay inoo jawaabaan

Waxaan dood ka qabay jawaabta Su,aal aan webka Soo waydiiyey ee aheyd muxuu yahay Xukunka qof risaalada ay gaarin ? Jawaabta la isiiyey waxay Aheyd sidan

qofkii aan diinta islaamka maqlin waligiisa oo aan la gaarsiinin oo duurka fog dunida dacaladeeda ku sugan inkastoo samankan ay adag tahay inay dad noocaas jiraan, qofkaas Ilaahay ma ciqaabo taasna quraanka ayaa lagu sheegay, wuxuu yiri Alle:

(وَمَا كُنَّا مُعَذِّبِينَ حَتَّىٰ نَبْعَثَ رَسُولًا)

(mana cadaabno (dadka) ilaa aan rasuul u dirno).

Aayadan waxay ka hadleysaa guud ahaan Qoom kasta in Rasul loo diri jiray anaga qoomkeeena guud ahaan Nabi Muxumad Salalaahu caleyhi wasalam ayaa ah Rasuulkeena iyo nabigeena waana kii u dambeeyey ee Soo baxa anaga ka islaam ahaan ayey waajib inagu tahay inaan faafino Diinta islaamka iyo mana jiro sabab qof aan heysan Xariga ilaahay Uu ula sinaado amaba ka fiicnaado kana ciqaab yaraado qof islaam ah oo Xariga ilaahay heystay balse dambiyo yar yar galay amaba Laga yaabo inuusan gelin taasna waa Cadaalad darro ilaahayna Waa caadil

Qal qal Xaga iimaanka ah ayaa ka imanaya hadii la yiraahdo qof aan islaam aheyn baa Laga yaabaa inuu Jano Galo ama naar ka bad baado si fududna Jawaab noocaas ah laguma bixin karo inakastoo ilaahay qafuuru raxiim yahay naxariis badan yahay wuxuu doonana Sameeyo sida ku cad suuratul
( buruuj) aayada 16aad فعال لما يريد( ilaahay Wuxuu doono midka Sameyn badan ayuu ahaaday )

Taasoo la micna ah in ilaahay ku cadaabi karo adoo bilaa dambi ah ku janeyn karana adoo dambi leh Janadana Raxmad ilaahay ayaa lagu Muteystaa Camal laguma helo

Sidaa daraadeed Laba mid ayaan ka Codsanayaa walaalaha Daruur

1: in jawaab taas ka duwan la isiiyo hadii la igu cilmi dhaamo
2: ama hadii kale in la Tir tiro Su,aashaas iyo jawaabteydaba Website-kana Laga saaro maadaama dad aan Diinta waxbadan kala socon Laga yaabo inay si qaldan u qaataan oo Sahashadaan Diinta islaamka iyo axkaamteeda sidaasna aniga iyo walaalaha Daruur uu dambi inoogu Sugnaado

Ma jano ayuu galayaa qofka risaalada diinta gaarin ee dhinta
Ma jano ayuu galayaa qofka risaalada diinta gaarin ee dhinta

Jawaabta:

Su’aasha hore iyadoo kooban ayaan ku siiyay laakin mas’aladan tafaasiil ayaa ku jirta:
Culimo waxay qabaan in la imtaxaanayo dadka islaamka aan gaarin waxayna daliilsadeen xadiis musnadka kusoo arooray oo ah:

(أَرْبَعَةٌ يَحْتَجُّونَ يَوْمَ الْقِيَامَةِ: رَجُلٌ أَصَمُّ لَا يَسْمَعُ شَيْئًا، وَرَجُلٌ أَحْمَقُ، وَرَجُلٌ هَرِمٌ، وَرَجُلٌ مَاتَ فِي فَتْرَةٍ، فَأَمَّا الْأَصَمُّ فَيَقُولُ: رَبِّ قَدْ جَاءَ الْإِسْلَامُ وَمَا أَسْمَعُ شَيْئًا، وَأَمَّا الْأَحْمَقُ فَيَقُولُ: رَبِّ قَدْ جَاءَ الْإِسْلَامُ والصبيان يقذفوني بِالْبَعْرِ، وَأَمَّا الْهَرِمُ فَيَقُولُ: رَبِّ لَقَدْ جَاءَ الْإِسْلَامُ وَمَا أَعْقِلُ شَيْئًا، وَأَمَّا الَّذِي مَاتَ فِي الْفَتْرَةِ فَيَقُولُ: رَبِّ مَا أَتَانِي لَكَ رسول، فيأخذ مواثيقهم ليطيعنه، فيرسل إليهم أن ادخلوا النار، فو الذي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ، لَوْ دَخَلُوهَا لَكَانَتْ عَلَيْهِمْ بَرْدًا وَسَلَامًا).

(afar daliil ayay la imaanayaan maalinta qiyaame: nin dhagool ah oo aan wax maqlaynin iyo nin dhiman oon maskax lahayn iyo nin waayeel (caqliga waayay) iyo nin dhintay xilli kalago’ risaalada anbiyada uu jir, kan dhagoolka wuxuu oranayaa: rabbiyow islaamka ayaa yimid anoon wax maqlaynin, kan dhiman wuxuu dhahaa: rabbiyow islaamka ayaa yimid iyagoo ciyaalka digo (saxarada xoolaha) igu soo tuurtuurayaan, kan duqana wuxuu dhahaa: rabbiyow islaamka ayaa yimid anoon caqli lahayn, kan dhintay xilliga kalago’a risaalada anbiyada wuxuu oranayaa : rabbiyow rasuul iima imaanin, wuxuu ka qaadayaa Alle ballan inay adeecaan, wuxuu usoo diraa inay naarta galaan, waxaan ku dhaartay midka nabi Muxammad (SCW) naftiisa ay gacantiisa ku jirto hadday naartaas gali lahaayeen qabow iyo nabad ayay u noqon lahayd)

Xadiiskan ayay u daliilsadeen dadka aan soo sheegay in la imtaxaanayo maalinta qiyaame haddii ay galaan naarta la dhahay gala imtaxaanka ayay ka gudbeen hadday diidaanna way ku dhaceen markaas waa gaalo naarta dhabta ayaa la galinayaa.

Aayadda aan soo sheegay culimo badan ayaa u daliilsaday in dadkan a lasoo sheegay aan la cadaabaynin, waxay dhaheen: aakhiro ma aha meel camal ah qofka markuu dhinto camalkiisa waa go’aa xadiiskan ma ayasan qaadanin aayadda ayay ka hormariyeen.

Teeda kale haddii sidaas la dhaho lagama qaadanayo qof gaal ah ayaa jannada la galiyay maxaayeelay arrin isaga ka weyn ayaa keentay xaaladdaas, sidoo kale asal ahaan gaalka dhabta ah waa kan diiday risaalada markay u timid, Ilaahayna kuma kallifo nafta wax aysan karaynin, qofkii diinta aan gaarin inaan la ciqaabin waxay soo galaysaa naxariista Alle oo ballaaran, mana keenayso in qofka muslinka ah iimaankiisa meel looga dhacayo waana fadliga Ilaahay.

Haddii aad rabto aayadda inaad fahanto u laabo tafaasiirtii hore waaweynaa sida Ibnu jariir addabari iyo Alqurdubi, iyo Arraazi, iyo Zaad alamsiir, iyo Fatxul qadiir iyo kuwo kale badan.

Teeda kale su’aasha hore wax dhib ay qof u keenayso ma jirto maxaayeelay aayadda qofkii si dhab ugu noqdo waa fahmi karaa ujeeddada, mana aha wax shubho ah.

Exit mobile version