Su’aasha:
Asc magaceyga waa maajid waxaan wataa su’aal diini ah
dunida waxay kala dambeysaa 24 saac waxka badan hadaba waxaan doonayaa in la ii xaliyo leylatul qadriga maadaama uu habeen kaliya yahay sida ku cad suuratul inaa Anzalnaa sidee dadka dunida ku dhaqan u wadaagi karaan halkaas habeen tusaale Axmed waa wiil Muslim ah Wuxuu kun ool yahay Australia cirifkeeda Shishe maanta oo idil ayuu Soomanaa Wuxuuna rajeynayaa caawa in Leylatul qadriga uu helo
Lkn waxaa jira wiil kale oo Faysal lagu magacaabo oo ku Sugan SOMALIA waxayna u tahay maalin xalay ayuu rajeynayey in Leylatul qadriga uu helay
hadaba Ahmed iyo Faysal sidee Hal Leylatul qadri u heli karaan maadaama Laba habeen ay kala leeyihiin Leylatul qadrigana uu yahay Hal habeen.
Jawaabta:
Su’aashan waxay tilmaamaysaa maskaxdaada inay si fiican u shaqaynayo, labada tusaale aad sheegtay isma diidayaan, waxaad eegtaa kaliya waqtiga iyo maalinta, tusaale ahaan bisha Ramadaan markay ka dhalato Australia qofka Soomaaliya ku nool wali Shacbaan buu ku jiraa habeenka kasoo qaad waa khamiis isla khamiistii ayaa imaanaysa soomaaliya marka wax is diidaya ma laha waa halkii habeen oo socod ku jira waa sida diyaarad kasoo duushay adduunka geeskiisa oo soo aadday geeska kale waa isla hasha diyaarad oo meel kasoo tagtay meel kale timid, habeenka laylatulqadarka isagana waa waqti socda dad wuu usoo hormaray dadna waa usoo socdaa ee ma aha labo habeen kala duwan, markuu soomaali soo gaaro Australia waxay gashay maalin cusub ayay gashay, wuxuu yiri Alle: