درس الأسبوع الخامس: أدوات الاستفهام 

 

 

Magacuyaal su’aaleedka | أدوات الاستفهام  

أدوات الاستفهام
أدوات الاستفهام

 

Halkee/intee أين Halkee u socotaa? إلى أين تذهب؟
Aaway/meeye أين Aaway  furaha? أين المفتاح؟
Immisa/meeqa كم Waa immisa qalinkan? بكم هذا القلم؟
Goorma متى Goormaad rabtaa? متى تريد؟
Kuma من (مذكر) Waa kuma wiilkan? من هذا الولد؟
Tuma من (مؤنث) Waa tuma gabdhan? من هذه البنت؟
Kee أي(مذكر) Kee ku siiyay? من أعطاك؟
Tee أي(مؤنث) Tee kugaraacday? من ضربتك؟
Yaa من Yaa yimid? من جاء؟
Ma هل Ma u baahan tahay? هل تحتاج إليه؟
Sidee كيف Sidee tahay? كيف حالك؟
Maxaa ماذا Maxaa rabtaa? ماذا تريد؟
Macallin Macallimad Miis
مدرّس مدرّسة مكتب
Khad Ul Maqas
محبرة عصا مقصّ
Qalinqor Arday Ardayad
مبراة طالب طالبة
Gambaleel Kalkoleetar Koollo
جرس آلة حاسبة لصق
Tirtire Buug Qaamuus
ممحاة كتاب قاموس
Qalin Qalin-qori Mastarad
قلم قلم رصاص مسطرة
Boorso Maamule Sabuurad
حقيبة مدير سبّورة

 

 

Arday baan ahay أنا طالب.
Dugsi fiican baan dhigtaa. أدرس في مدرسة جيدة.
Casharkayga maalin kasta waan qoraa . أكتب درسي كل يوم.
Waan tixgaliyaa macllinkayga. أحترم مدرّسي.
Marmar sabuuradda ayaan tirtiraa. أحيانا أمسح السبّورة.
Dugsiga bas baan ku aadaa. أذهب إلى المدرسة بالباص.
Waxaan la cayaaraa marmar ardayda. ألعب أحياناً مع التلاميذ.
Gurigeena uma dhowa dugsiga منزلنا ليس قريبا من المدرسة.
Qalinka ayaa iga lumay قلمي ضاع مني.
Xasan: ma adag yahay casharka? حسن: هل الدرس صعب؟
Geedi: casharkee? غيدي: أي درس؟
Xasan: casharka maanta . حسن: درس اليوم.
Geedi: maya, ma adka غيدي: لا، ليس صعباً.
Xasan: laakin anigu waa igu adag yahay. حسن: لكن هو صعب عليّ.
Geedi: macallinka weyddii waxa kugu adag. غيدي: اسأل المدرّس عمّا هو صعب عليك.
Xasan: waa yahay. حسن: حسناً.
Geedi: aniga waxaan u arkaa casharkan inuu fudud yahay. غيدي: أنا أرى أن هذا الدّرس سهل.
Xasan: adiga si fiican baad wax u fahantaa. حسن: أنت تفهم بشكل جيد.
Qalinqor ma haysaa? هل عندك مبراة؟
Mastarad ma u baahan tahay? هل تحتاج إلى مسطرة؟
Kursigan ma rabtaa? هل تريد هذا الكرسي؟
Macallinka yuu yahay? من المدرّس؟
Xisaabta ma adag tahay? هل الرياضيات صعبة؟
Naxwaha ma fudud yahay? هل النحو سهل؟
Taariikhda ma jeceshahay? هل تحب التاريخ؟
Macallinka goormuu imanayaa? متى يأتي المدرّس؟

 

 

Su’aalaha:

 

  • Dhammeystir weeraha soo socda wax ka maqan

 

Qalinqor ….. haysaa?
Mastarad  … u baahan tahay?
Kursigan ma ……?
Macallinka yuu ……?
Xisaabta ma adag ….?
Naxwaha …. fudud yahay?

2-   Kasoo saar weeraha soo socda magacuyaal su’aaleed kaddib tarjun

Halkee u socotaa?

Aaway  furaha?

Waa immisa qalinkan?

Goormaad rabtaa?

Waa kuma wiilkan?

Waa tuma gabdhan?

Kee ku siiyay?

Tee kugaraacday?

Yaa yimid?

Ma u baahan tahay?

 

 

مراجع:

  • Naxwaha Af soomaaliga, Shire Jaamac Axmed, 1976. Muqdisho Soomaaliya.
  • A Grammar of the Somal Language, J. W. C. KIRK 1905, Cambridge University.
  • الكاشف قاموس عربي صومالي. مؤمن عالم 2009 القاهرة

شاهد هنا

قد يعجبك ايضا
اترك رد

يستخدم هذا الموقع ملفات تعريف الارتباط لتحسين تجربتك. سنفترض أنك موافق على ذلك ، ولكن يمكنك إلغاء الاشتراك إذا كنت ترغب في ذلك. قبول قراءة المزيد