Site icon Daruur درور

Kulanka jamaacada tabliiqa sanadkiiba ama jimca kaste bidco miyaa

Kulanka jamaacada tabliiqa sanadkiiba ama jimca kaste bidco miyaa

Su’aasha:

Walaal kulan waynaha ( ijtimaaca) jamaacada tabliiqu qabsadaan sanadkiiba halmar ijtimaacaasi bidco ma noqonayaa?

Kulanka jamaacada tabliiqa sanadkiiba ama jamca kaste bidco miyaa
Kulanka jamaacada tabliiqa sanadkiiba ama jamca kaste bidco miyaa

Jawaabta:

Ijtimaaca ay sameeyaan jamaacada tabliiqa bidco ma aha, wax reebaya ma jiro habeen kaste jimco ah inay kulmaan ama khuruujka ay waqti u degsadaan, ama inay kulmaan sanadkii hal mar oo ay xaddaa maalin gaar ah bil gaar wax dhib ma laha.

Teeda kale waxaad ogaataa wax kaste in bidco la dhaho waa qalad, haddii albaabkaas aan furno waxyaalo badan aan hadda samayno ayaa bidco noqonayo oo aan lasoo koobi karin, asal ahaan wixii diinta aan reebin wax dhib ma laha, bidcada waxay leedahay wax xaddidaya, waxaad ka akhrisan kartaa kitaabka Imaam Sahaadibi    الاعتصام في أهل البدع والضلالات   si fiican ayuu uga hadlay.

Jamaacada tabliiqa kulankooda iyo dhaqankooda guud waa wax sax ah, waxaa laga yaabaa inay soo daliilsadaan axaadiis oo daciif ah ama mowduuc ah taasna waxaa kenaysa aqoonta diinta oon aad loo sugin, laakin qaabka ay u dhaqmaan guud ahaan waa wax wanaagsan, qaladaad yaryar way jiraan laakin waxyaalaha ay sameeyaan oo wanaagga ah ayaa ka badan.

Teeda kale bidcada ayaaba culimada qaabab badan u arko, Culimadii hore sida  Imaam Nawawi iyo Ibnu Xajar iyo kuwo kale.

Jamaacada tabliiqa waxay ku kulmaan xuska Alle iyo faafinta diinta, hadday habeen gaar ah sameytaan waa wax fiican shardi ma aha in habeenkaas diinta ay si gaar u sheegto,

Malaa’igta raxmada ama naxariista waxay ag fariistaan dadka mu’miniinta oo Alle xusaya, wuxuu yiri rasuulka – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee -:

(إِنَّ لِلَّهِ تَبَارَكَ وَتَعَالَى مَلَائِكَةً سَيَّارَةً ، فُضُلًا يَتَتَبَّعُونَ مَجَالِسَ الذِّكْرِ ، فَإِذَا وَجَدُوا مَجْلِسًا فِيهِ ذِكْرٌ ، قَعَدُوا مَعَهُمْ ، وَحَفَّ بَعْضُهُمْ بَعْضًا بِأَجْنِحَتِهِمْ ، حَتَّى يَمْلَئُوا مَا بَيْنَهُمْ وَبَيْنَ السَّمَاءِ الدُّنْيَا ، فَإِذَا تَفَرَّقُوا ، عَرَجُوا وَصَعِدُوا إِلَى السَّمَاءِ ، قَالَ : فَيَسْأَلُهُمُ اللهُ عَزَّ وَجَلَّ ، وَهُوَ أَعْلَمُ بِهِمْ : مِنْ أَيْنَ جِئْتُمْ؟ فَيَقُولُونَ : جِئْنَا مِنْ عِنْدِ عِبَادٍ لَكَ فِي الْأَرْضِ ، يُسَبِّحُونَكَ ، وَيُكَبِّرُونَكَ ، وَيُهَلِّلُونَكَ ، وَيَحْمَدُونَكَ ، وَيَسْأَلُونَكَ ، قَالَ : وَمَاذَا يَسْأَلُونِي؟ قَالُوا : يَسْأَلُونَكَ جَنَّتَكَ ، قَالَ : وَهَلْ رَأَوْا جَنَّتِي؟ قَالُوا : لَا ، أَيْ رَبِّ ، قَالَ : فَكَيْفَ لَوْ رَأَوْا جَنَّتِي؟ قَالُوا : وَيَسْتَجِيرُونَكَ ، قَالَ : وَمِمَّ يَسْتَجِيرُونَنِي؟ قَالُوا : مِنْ نَارِكَ يَا رَبِّ ، قَالَ : وَهَلْ رَأَوْا نَارِي؟ قَالُوا : لَا ، قَالَ: فَكَيْفَ لَوْ رَأَوْا نَارِي؟ قَالُوا : وَيَسْتَغْفِرُونَكَ ، قَالَ: فَيَقُولُ: قَدْ غَفَرْتُ لَهُمْ ، فَأَعْطَيْتُهُمْ مَا سَأَلُوا ، وَأَجَرْتُهُمْ مِمَّا اسْتَجَارُوا ، قَالَ : فَيَقُولُونَ : رَبِّ فِيهِمْ فُلَانٌ عَبْدٌ خَطَّاءٌ ، إِنَّمَا مَرَّ فَجَلَسَ مَعَهُمْ ، قَالَ : فَيَقُولُ : وَلَهُ غَفَرْتُ ، هُمُ الْقَوْمُ لَا يَشْقَى بِهِمْ جَلِيسُهُم) .

(Allaha sarreeya waxaa u sugnaatay malaa’ig socod ku jirta oo qiima leh, waxay raaraacayaan meelaha Alle lagu xuso, hadday arkaan fadhi Alle xusayo way la fariistaan, qaarkooda qaarka kale garbahooda ayay ku hareereeyaan ilaa ay buuxiyaan inta u dhexeysa iyaga ilaa samada dhow, markay kala tagaan cirka ayay fuulayaan, wuxuu yiri: Ilaahay -cazza wajalla -ayaa weyddiinaya asoo og: halkeed ka timaaddeen? waxay oranayaan: waxaan ka nimid addooman dhulka kuu jooga oo kugu tasbiixsanaya kuna weynaynaya kuna mideynaya kuguna mahdinaya waxna ku weyddiinaya, wuxuu dhahaa: maxay i weyddiinayaan? waxay dhahayaan: waxay ku weyddiinayaan jannadaada, wuxuu oranayaa; jannadeyda ma arkeen? waxay dhahayaan: maya rabbiyow, wuxuu dhahaa: ka warama haddey jannadeyda arki lahaayeen? waxay dhahayaan: way ku magangalayaan, wuxuu dhahaa maxay ka magangalayaan? waxay dhayahaan naartaada rabbiyow, wuxuu dhahaa: naarteyda ma arkeen? waxay dhahaan: maya, wuxuu dhahaa; ka warama haddey naartayda arki lahaayeen? waxay dhahaan: dambidhaaf ayay ku weyddiisanayaan, wuxuu yiri: wuxuu dhahaa: waan u dhaafay waxaanna siiyay waxay weyddiisteen, waxaanna ka magangaliyay wixii ay iga magangaleen, wuxuu yiri waxay dhahayaan: rabbiyow waxaa ku dhex jira addoon gaf badan, wuu soo maray wuuna la fariistay kaliya wuxuu yiri: wuxuu dhahaa: asagana waan u dhaafay, dadkan midka la fariisto kuma hoogo).

Exit mobile version