Musqusha way iskudaxtasha tan laguxaja kuto iyo tan gubayska Wana kudax weysa qata bisinka malagu Dax akhrin kara markad weyso qadaneyso ood mida bafka tagantahay.
Jawaabta:
Qofka hadduu musqusha ku weysaysanaya culimada u arka inay waajib tahay in bismillaah la yiraahdo dhib uma arkaan, culimada u arka in bismillaah sunna ay tahay waxay oranayaan waxaa fiican inuusan qofka ku dhawaaqin hadduu musqusha ku weysaysanayo.
Guud ahaan waxaa mamnuuc ah qofka marka uu u fadhiyo xaajadiisa inuu digri la yimaado, laakin marka uu weysaysanayo qofka xaajo uma fadhiyo meesha xaajadana waa ka baxsan yahay marka waa xusi karaa magaca Alle.