Habeenka laylatu qadarka astaan ma leeyahay oo lagu garan karo mise ma laha.
Jawaabta:
Marka hore waxaad ogaataa habeenka laylatu qadarka in wax kaste la gooyo habeenkaas waxaa la qoraa dadka noolaanaya iyo dadka dhimanaya sidoo kale dadka liibaanaya iyo dadka khasaaraya waa habeen barakaysan, cibaadada habeenkaas waxay u dhigantaa siddeetan iyo seddex habeen hibaadadooda, habeenkaas wuxuu u badan yahay tirada kisiga ee tobanka dambe inkastoo Ramadaanka maalmaha kale laga heli karo.
Culimada waxay u sheegaan calaamad lagu garto habeenka laylatu qadarka taasna waa in qorraxda subaxda habeenkaas ay saafi tahay wax shucaac aysan lahayn.