Site icon Daruur درور

Dhadhamiska cuntada soonka goormuu jabiyaa

Dhadhamiska cuntada bisha soonka waa arrin ay fiican tahay in layska ilaaliyo.

haddii aad awooddo inaad qiyaasto cusbada cuntada way fiican tahay.

laakin haddii lagama maarmaan ay tahay inaad dhadhamiso waad dhadhamin kartaa.

Dhadhamiska cuntada soonka goormuu jabiyaa
Dhadhamiska cuntada soonka goormuu jabiyaa

laakin waxaa shardi ah inaadan ku xeeldheeraanin dhadhamiska.

haddii aad ku xeeldheeraato dhadhamiska soonka ayuu kaa jabiyaa.

dhadhaminta waa inay noqotaa carrabka fooddiisa waa inaadan gudaha afka galinin cuntada.

marka aad dhadhamiso waa inaad tuftaa candhuufta afkaaga soo galyso maxaayeelay dhacaanka cuntada ayaa la socdo haddii aad liqdo soonkaaga waa jabayaa dhacaankaas, waayo waa adoo cunto cunay oo kale.

haddii uu kuu joogo cunug yar oo aan soomaneyn waxaa fiican inuu isaga dhadhamiyo cuntada ama afurka aad diyaarinayso.

Exit mobile version