Site icon Daruur درور

Dhacaanka istiinka raga nijaas miyaa

Dhacaanka istiinka raga nijaas miyaa

Su’aasha:

Scw walaal waxan idinka mahad celinaya webka daruur qiimaha badan aad baan uga faa’ideystay mar walbo waa akhrista, walaal waxan ahay wiil  dareen kacsi badan keh  32 sano ayaan jiraa, markaan arko wax dareenkayga kiciyo dhacan badan aya iga imaanaya siiba markan arko naag dabo weyn leh, marka dhacaanka oo biyo aan midab lahayn oo is jiidjidaya biyahaas meesha ay gaaraan ma waajib baa in laga dhaqo haddii aan ku tukado marada ay gareen salaaddaas ma ansaxaysaa.

Dhacaanka istiinka raga nijaas miyaa
Dhacaanka istiinka raga nijaas miyaa

Jawaabta:

Marka hore kusoo dhowoow webka Daruur, waadna ku mahadsan tahay booqashada aad soo booqatay webkan.

Marka labaad biyaha ninka ka yimaada waxay qaybsamaan seddex noo:

Nooca koowaad: waa biyaha manida  المني  oo ah biyaha ilmaha laga abuuro, waana biyo cad oo adag oo ninka marka ay ka imaanayaan soo boodaya marka ay baxaanna wuu degayaa ninka kacsanaa, biyahaas manida la yiraahdo ama shahwada waa daahir, laakin qofka ay kasoo baxaan waa inuu qubeystaa salaad ma tukan karo asoon qubeysanin, xaaladdaasna waxaa la dhahaa janaabo ama qasli.

Nooca labaad: waxaa la dhahaa madyi  المذي  ama kuulato waa biyo oo khafiif ah oo is jiidjiidaya waxayna ninka kasoo baxaan marka uu kacsado ama galmo uu soo xusuusto, ama naagtiisa markuu istiimiyo, biyahaas waa nijaas meesha ay gaaraan waa in la dhaqaa, qofka biyaha kuulatada ay kasoo baxaan waa inuu iska dhaqaa xubintiisa waan weysaysanayaa.

Xadiith ayaa jira laga wariyay sayidkeena Cali bin Abii Daalib (RC) wuxuu yiri:

(كُنْتُ رَجُلاً مَذَّاءً وَكُنْتُ اسْتَحْيِي أَنْ أَسْأَلَ النَّبِيَّ صلى الله عليه وسلم لِمَكَانِ ابْنَتِهِ، فَأَمَرْتُ الْمِقْدَادَ بْنَ الأَسْوَدِ. فَسَأَلَهُ فَقَالَ: “يَغْسِلُ ذَكَرَهُ، وَيَتَوَضَّأُ)  المصدر

(Waxaan ahaa nin madyi badan (biyaha kuulatada in badan ka yimaada) waxaan ka xishoonayay inaan weyddiiyo nabiga (SCW) booska ay gabadhiisa iga taagan tahay dartii (Faatima ayuu qabay) waxaan amray Miqdaad bin Al-aswad wuu weyddiiyay wuxuu yiri: “dakarkiisa (xubintiisa taranka) ayuu dhaqayaa wuuna weysaysanayaa).

waxaa wariyay muslim

Nooca seddexaad: wadyi   الودي  ayaa la dhahaa waa biyo cad sida caanaha oo kale waana jilicsan yihiin waxay soo baxaan inta badan kaadida kadib ama qofka marka uu daalo, istiin iyo raaxo kuma xirna biyahan, iyagana waa nijaas sida madyida oo kale.

Dhacaanka istiinka raga
Dhacaanka istiinka raga

 

First of all, welcome to the Cloud web, and thank you for your visit to this website.

Secondly, the water from the man is divided into three:

The first type: it is the semen water that is created for the child, it is white and hard water that the man when they come from it jumps out and when they go out he settles down the man who is agitated, that water called semen or semen is pure, but the person from which it comes out must bathe in prayer and cannot pray without bathing, and that situation is called paradise or mess.

The second type: it is called madyi المذي or kuulato is thin water that pulls itself and it comes out of the man when he gets up or remembers sex, or his wife when he uses it, that water is unclean where it reaches it should be washed, the person who comes out of the water of the boil must wash his limb and I will lose it.

The third type: drive الودي is said it is clear water like milk and it is soft, it usually comes out after urinating or when a person is tired, there is no smell or comfort in this water, and it is impure like washing.

 

 

Waa maxay magaca qanjirka madyida soo daaya

Exit mobile version