Site icon Daruur درور

Dadka isu galmonayo ayaga oo isladhashay

Su’aasha:

asc walaalaha daruur dhaman melwalba aad jogtaan salan kadib
waxa raba xukunka dumarka walalahoda oola dhashay sida wiil iyo gaber isku hooyo iyo aabo ama isku aabo ah misana isu galmonaya sida aytahayna waliba ku an daconeso walalkay waxba igama dhelayo wana isku astura sidee wax kayihin maxasa xukun u ah dadkaas bal arinkaa ayaan laso kulmay jawaab iga siiya si aan ula wadaago waxa kadhalanaya falka aysameynayso.

Dadka isu galmonayo ayaga oo isladhashay
Dadka isu galmonayo ayaga oo isladhashay

Jawaabta:

Sinada waa xaaraan waxaana ugu daran midda maxaarimta, maxaarimta waxaa laga wadaa sinada walaasha ama eeddada ama habaryarta ama hooyada ama wixii dumar qaraabo ah oon la guursan karin.

Qofkii falkaas sameeyo wuxuu ku dhacay dambi aad u weyn.

Xukunka islaamka uu ka qabo sinada maxaarimta waa in la dilo qofkii walaashiisa u galmoodo marka loo helo afar markhaati ama inuu isaga toos u qirto asoon lagu qasbin qirashadaas oona aan ahayn qof waalan.

Dambiga noocan ah waxaa soo badiyay ka fogaanshaha diinta, dad badan gaalada ayay iska raaceen, gaalada ayaa sidaas u dhaqma qof ayaad arkaysaa gabadhiisa u tagaya ama hooyadiisa ama walaashiisa, marna ma aha dhaqan qof muslin ah uu sameeyo, xataa bulshadaha muslinka oo jaahilka ah ma samayn jirin falalkaas.

Marka haddii aad taqaano dadkaas uga dig falkaas waa dambi halis ah oo nooca ugu foosha xun lagu tiriyo, ka waani, una sheeg xukunka falkaas waa dil, dowladda muslinka haddii loo keeno qof u tagay maxaarimtiisa dil ayaa lagu xukumi jiray.

Exit mobile version